Loading...

TOP:Ajay Devgan oo diiday inuu filim la keeno Shah Rukh Khan






Xili ay Ajay Devgan iyo Shah Rukh Khan ayey kulan casho ah ku qaateen Bulguria toddobaadkan ayey warbaahinta Hindia soo bixineysa colaada labada Aktar ka dhaxeysay mudo dheer.
Ajay ayaa la tilmaamayaa in waligii uu tartan kula jiray SRK marnabana ma dooneynin inuu ka heer hooseeyo isaga.
Taas waxaa kuu xaqiijineysa Ajay Devgan waxaa uu diiday Shah Rukh Khan inuu la jilo filimka blockbus-ka noqday ee Karan iyo Arjun oo SRK iyo Salman Khan ay wadeen.
Direcortka filimkaas ayaa marka hore rabay karan iyo Arjun in ay jilaan Ajay Devgan iyo Shah Ruk Khan laakiin Ajay ayaa sababta uu u diiday filimkaan waxaa lagu sheegay inuu necbaa in SRK iyo isaga iney isku soo dhawaadaan oo filim ay wada keenaan. Warar kale ayaa sheegaya Ajay Devgan inuu ka baqay bandhiga SRK inuu qariyo isaga.
1995-tii ayuu soo baxay Filimkan badalkiisana Salman Khan ayaa galay.
Hadiiba Ajay uu necban yahay inuu la shaqeeyo SRK waligood filim ma keeni doonaan. 




News 4781783819209142579

Post a Comment

emo-but-icon

Home item

ADS

Popular Posts

Random Posts

Flickr Photo